Hor dhac
Walwalka iyo walaaca waxa ay ka mid yihiin xaaladaha la soo darsa
bini’aadamka, ma aha cudur laakin waxaa keena xaalado ay la kulmaan dadka.
Qormadaan waxa aan kaga hadleynaa cuntooyin yareeya ama hoos u
dhiga walwalka iyo walaaca, inkastoo aaney mararka qaar ku filneyn cunto oo
kaliya so loo yareeyo walwalka iyo walaaca hadana waxa jira cuntooyin aad
muhiim ugu ah walalka, walaaca iyo istareeska:
In lala isticmaalo cuntooyinka hoos ku xusun cuntooyin kale oo isku
dheeli tiran waxa ay wax badan ka tari kartaa yareynta walwalka iyo istareeska:
Kalluunka dufanka leh (Fatty Fish)
Kalluunka dufanka leh sida
kuwa loo yaqaano salmon-ka iyo mackerel waxa ay qani ku yihiin ooka buuxa
omega-3 fatty acids taas oo lala xiriiriyo in ay wax badan ka tarto hoosna u
dhugto walwalka iyo istreeska sido kale ay nafaqeeya unugyada maskaxda.
Caleenta cagaaran (Leafy Greens)
Noocyada kala duwan ee caleenta cagaaran sida koostada waxaa ku
jira oo ay qani ku yihiin Magnesium-ka kaas oo hoos u dhiga xaaladaha
istareeska iyo walwalka, sidaa darteed in caleemaha cagaaran ay qeyb ka yihiin
cuntooyinkaaga waxa ay kuu leedahay faa’iidooyin badan.
Kaarbohaydraytyada isku dhafan(Complex Carbohydrates)
Kaarbohaydraytyada isku dhafan sida bariska bawon-ka ah, qamadiga
iyo boorashka waxa ay caawin karaan xasilinta heerarka sonkorta dhiigga , Tani
waxay ka hortagi kartaa niyad jabka iyo welwelka ka iman kara marka heerka
sonkorta dhiigga hoos u dhacdo.
Ukunta(Eggs)
Ukuntu waa cunto nafaqo leh
oo ka kooban dhowr nooc oo nafaqooyin kala duwan taas oo laga yaabo inay si
dadban uga qayb qaadato dhimista welwelka iyo guud ahaan badqabka maskaxda.
Ukunta waxaa ku jira xaddi badan oo brootiin ah sido kale waxaa ku
jira amino acid, B vitamins sida B6 iyo B12, sido kale waxaa ukunta ku jira
omega-3 fatty acids dhammaan macaadintaas ku jira ukunta waxa ay faaido
caafimaad u leeyihiin jirka iyo maskaxda waxa ayna hoos u dhigaan walwalka iyo
istareeska.
Miraha sida lawska(Nuts)
Noocyada kala duwan ee bahda lawska waxaa ku badan nafaqooyinka
sida magnesium-ka, zinc, iyo dufan caafimaad leh. Nafaqooyinkaan waxa ay kaa
caawin karaan dhimista welwelka.
Shukulaatada madow(Dark Chocolate)
Shukulaatada madow waxa ay ka kooban tahay antioxidants iyo
iskudhafyo sida flavonoids oo ka qeyb qaata dhimista walwalka iyo walaaca. Si
kastaba ha ahaatee, ka digtoonow inaadan si xad dhaaf ah u cunin sababtoo ah
waxa ku jira kaloori, kalooriag oo aad ka isticmaasho wax ka badan xadigii uu
jirkaaga u baahnaa waxa ay keentaa in uu kordho miisaankaaga(Weight Gain), sido
kale haddii aad ka yareyso xadigii uu jirkaaga u baahnaa waxa ay sababtaa in uu
hoos u dhoco misaankaaga (Weight Loss).
Cinabka iyo strawberiga (Berries)
Miraha Cinabka iyo strawberiga Waxay ay qani ku yihiin
antioxidants-ka iyo fitamiin C, kuwaas oo kaa caawin kara la dagaallanka iyo in
ay hoos u dhigaan diiqada iyo walaaca.
Avokaadhada(Avocado)
Avocado waxa ay ka mid tahay
ilaha laga helo dufanka caafimaadka qaba iyo potassium-ka, kuwaas oo kaa caawin
kara nidaaminta cadaadiska dhiigga iyo dhimista walwalka iyo istareeska ku
dhaca nafta.
Muuska (Bananas)
Muuska waxa ku badan potassium-ka waxana uu bixiyaa tryptophan, oo
ah nooc amino acid kor u qaadi kara wax soo saarka serotonin-ka,
neurotransmitter ka qayb qaata in uu qofka dareemo caafimaad, fayoobi iyo
farxad.
Gunaanad
Ogow in qof walba jidhkiisu si kala duwan uga jawaabo cuntooyinka,
mana jirto hal-cabbir oo lagu maareeyo welwelka iyada oo loo marayo cunto. Waxa
kale oo muhiim ah in la ilaaliyo cunto dheeli tiran, oo la joogteeyo, lagana
fogaado cabista kafeega iyo khamriga xad dhaafka ah, kuwaas oo ka sii kordhin
kara walwalka iyo istreeska. Haddii aad qabtid walwal ama istrees daran ama
joogto ah, waxaa lama huraan ah inaad la tashato dhaqtar daryeel caafimaad si
aad u hesho daaweyn iyo hagitaan kugu habboon.










Post a Comment