Hordhac
Somaliya waxa ay ka kooban tahay 18 gobal, jubbada
hoose waa gobal ka mid ah gobalada Somalia.
Gobalkaan waxa uu dhacaa ama ku yalaa koonfurta
soomalia, waxa uuna dhinaca galbeed xuduud kala wadaaga wadanka Kenya,
magaalada kismaayo ayaa ah magaalo madaxda gobalkan jubadda hoose.
Qormadan kooban waxaan kaga bogan doontaa macluumaad
ku saabsan gobalka jubbada hoose.
Dhaqaalaha iyo waxsoosaarka gobalka
Gobalka jubadda hoose waa gobala dhaqaale iyo
waxsoosaar fiican leh marka loo eego gobalada kale ee dalka.
Bulshada ku nool gobalakan jubbada hoore waxa ay isugu
jiraan ganacsato, beeraleey, xoolo dhaqato iyo kalluumeysato.
1- Ganacsiga:
Maadaama uu gobalka leyahay bad iyo teked wax laga
dhoofiyo waxna loo soo dhofiyo, sidoo kalena uu leeyahay tiro garoomo
diyaaradeed tani waxa ay saacidey sare u kaca kobaca ganacsiga ee gobalka.
2- Beeraha:
Gobalka jubbada hoose waxa uu ka mid yahay gobalada
hodanka ku ah wax soo saarka dalagyada kala dugan, gobalka waxa uu leeyahay
dhul beereed baaxad weyn sido kale gobalka waxaa mara webiga jubba oo ah webiga
ugu weyn ee mara soomaaliya, tan ayaa ka dhigeysa in tiro badan oo ka mid ah
bulshada ku dhaqan gobalka ay yiriin beeraleey.
Dalagyada laga soo saaro beeraha waxa loo iib geeyaa
magaalooyinka waaweyn ee gobalka sida kismaayo, afmadoow,dhoobley iyo jamaame.
3- Xoolaha:
Gobalka jubbada hoose waxa uu leeyahay keymo iyo dhul
daaqsin ballaaran, tani ayaa ka dhigeysa in dad badan oo ka mid ah bulshada ku
dhaqanka gobalka ahyihiin xoolo dhaqato.
Xoolaha nicmooleyda kala duwan sida geela, lo’da,
riyaha iyo idaha ayaa ka mid ah waxa ay dhaqdaan xoolo-dhaqatada ku nool
gobalka.
4- Kalluumeysiga:
Maadaama uu gobalka leeyahay xeeb dheer iyo webi, dad
badan oo ka mid ah bulshada ku nool gobalka ayaa ah kalluumeysato ka jalaabta
badda iyo webiga labaduba.
Noocyo ka duwan oo kalluun ah ayey soo saaraan waxa ay
ku maareeyaan nolosha qoysaskooda, sido kalena waxa ay u iib geyaan suuqyada
waaweyn ee gobalka, mararka qaar waxaa loo dhoofiyaa wadamada deriska sida
keyna.
Waxbarashada
Gobalka jubbada hoose waxa uu ka mid yahay gobalada
leh adeegyada tacliinta noocyadeeda kala dugan diini iyo maadi intaba.
Xarumo waxbarsho oo isugu jira dugsiyo-qur’aan,
iskuullo iyo jaamacado yaa ku yaala gobalka gaar ahaan magaalada kismaayo oo ah
caaasimada gobalka.
Tiro badan oo ardey ah ayaa sannad kasta ka soo qalin
jabisa xarumahaas waxbarasho ee aan soo sheegney ardeyda qaar wax ay sii wataan
waxbarashdooda ayaga oo jooga gobalka, halka qaarkalena ay aadaa gobalada kale
ee dalka sida caasimada dalka ee muqdisho ama wadanka dibadiisa si ay u sii
wataan waxbarashadooda.
Goobaha dalxiiska
Gobalka
waxa uu leyhay goobo dalxiis oo kala duwan halkaas oo ay u dalxiis tagaan
bulshada ku dhaqan gobalka iyo kuwa kale ee ka yimaada gobalada kale ee dalka
ama dibada.
Tuulada gobweyn ayaa ka mid ah boogaha dalxiiska ee
gobalka, tuuladan waxa ay caan ku tahay dhaqashada xoolaha, beeraha iyo
kalluumeysiga.
Tuuladan gobweyn waxaa mara webiga jubba, waxaana ku
yaalka halka ay isaga daraan webiga jubba iyo badweynta hindiya.
Waa goob dalxiiseed qurux badan oo ka mid ah goobaha
dabiiciga ah ee uu leeyahay dalka gaar ahaan gobalka jubadda hoose.
Tiro jaziirado dalxiiseed ayaa sido kale ku yaala
gobalka, waxaa ka mid ah:
Kudhaa, fuuma, raskambooni, kulbiyow, koyoma iyo kuwa
kale oo badan.
Jiziiradahan waxaan inta badan ku nool tiro yar oo
qoysas kaluumeysato ah.
jaziirada koyamo
Magaalooyinka ugu caansan ee gobalkan
Gobalka waxaa ku yaala magaalooyin dhowr ah kuwaas oo
leh ilbaxnimo kala duwan waxaana ka mid ah:
Kismaayo, jamaame, badhaadhe iyo afmadow.
Gunaanad
Gobalka jubada hoose waa uu ka mid yahay gobalada ugu
ballaaran dhul ahaan, waxana uu leeyahay xeeb dheer iyo webi.
Bulsho aad u badan ayaa ku dhaqan gobalkan, kuwaasi oo
nolol ahaan ku tiirsan ilo kala gadisan, sida ganacsiga, dhaqashada xoolaha,
beeraha iyo kalluumeysiga.

Post a Comment